Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saakay waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah.
Waxaana qaraxaasi lagu dilay Alle ha u naxariistee xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) iyo 7 ruux oo kale oo ilaaladiisii u badan, waxaana dadka dhintay ku jira kii is qarxiyey.



