AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Hotelka Posh iyo Khasaaro hordhac ah

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo caawa ka dhacay hotelka Posh oo ku yaalla meel u dhaw Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa marka hore ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftiis hure ah.

Qaraxa gaari ka dib kooxo hubeysan ayaa gudaha u galay hotelka, wararka aan hada heleyno ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gudaha hotelka kula dagaalamayaan ragii hubeysnaa ee gudaha u galay hotelka.

Khasaaro fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee hada soconayo.

ku dhawaad 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa Hotelka Posh ka dhacay iyo Weerarka tooska ah ee hada socda.

Shaqaalaha Hotelka Posh ayaa intooda badan ah Ajaaniib, badankooda ka soo jeeda Dalka Itoobiya.

Ciidamada amaanka ee dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo booliiska ayaa xeray dhamaan wadooyinka soo gala Hotelka Posh.

Waxaa soconayo howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jiray xilliga uu Qaraxa dhacaayay.

Wixii soo kordha kala soco Radiorisaala.com…