Gaalkacyo-RisaalaFM- Guddi ka kooban 18 xubnood ayaa loo magacaabay in ay dhameystiraan heshiiskii shalay Magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Madaxda Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddi 8 xubnood ah oo la xoojooda, Guddiga uu soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka kooban 8 xubnood.
Guddiga 8-da xubnood ka koban ee ka socda dhanka Maamulka Galmudug waxaa ka muuqda Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug, halka Guddiga Maamulka Puntland ay ka muuqdaan Mas’uuliyiin Puntland ka tirsan iyo xubno kale.
Guddiga Puntland
- Xasan Maxamed Abgaalow Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
- Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo.
- Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
- Col, Cabdul Warsame Cusmaan Taliye oo katirsan ciidamada Difaaca.
- Cabdi Diiriye (Cabi Qurux) Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
- Xuseen Gurey Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
- Abdulaahi Aaden Gaas Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
- Maxamed Quute Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
- Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf Wadaad kamid ah Culumada Ahlu Suna Mudug.
Guddiga Galmudug
- Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug
- Cabdirashiid Xaashi Cartan Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.
- Xirsi Yuusuf Barre Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug
- Cabdulqaadir Jaamac Seed Waxgaradka Nabadoonada.
- Cabdikariim Sheekh Axmed
- Xasan Faarax Barre
- Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi
- Cabdi Jaamac Cabdulle
- Cabdinaasir Cabdi Faarax


