SAWIRRO: Warbaahinta gobolka Mudug oo joojinaya Wararka Colaadaha

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay kulan ay ka qeyb galeen Gudoomiyeyaasha Magaaladaasi ee maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa kulanka looga hadlaayay sidii Warbaahinta gobolka Mudug ay uga qeyb qaadan lahaayeen Nabad galyadda,islamarkaana loo joojin lahaa Wararka Colaadaha oo bulshadda kicinaya.

Kulanka ayaa waxa heshiisyadda kula saxiixday maamulada Warbaahinta ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Inta badan Warbaahinta gobolka Mudug ayaa lagu eedeyaa in ay ka qeyb qaataan Colaadaha, waxaana go’aan ay qaateen soo dhaweeyay Bulshadda.

WD: Maxamed Muxyadiin Saxansaxo