Madaxweyne Erdogan oo booqan doona 3 dal

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa lagu waddaa in uu booqasho ku tago dalalka Sacuudiga, Kuwait iyo Qatar, si uu u dhexdhexaadiyo xiisada ka taagan dalalka Khaliijka.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Safarkiisa waxaa ku wehlin doona xubno sar sare oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan dalka Turkiga.

Safarkiisa ugu horeeya ayuu ku tagi doona dalka Sacuudi Carabiya, isagoo u gudbi doona dalka Kuwait  ka dibna aadi doona dalka Qatar oo ay go’doomiyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

Erdogan ayaa horay ku baaqay in laga qaado xayiraada dalka Qatar, isla markaana aanay xilligan munaasib aheyn in dal muslim ah in la cunaqabateeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal deg deg ah laga gaaro xiisadda Khaliijka.