Ciidamada Yuhuuda oo toogtay Imaamkii Masjidka Al-Aqsa

Ciidamada Maamulka Yuhuuda ayaa dilay Imaamkii Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kadib markii rasaas ay ku fureen dad ku dukanaayay Banaanka masaajidka.

Yuhuuda waa ay diiday in lagu tukado gudaha Masjidka Al-Aqsa, dadka Muslimiinta ah ee cibaadada Alle oogayana waxa ay go’aansadeen inay banaanka Masjidka ku tukadaan.

Ciidan ka tirsan Maamulka Yuhuuda ayaa shalay rasaas ooda uga qaaday dadkii Banaanka Masjidka ku dukanaayay, taasi waxa ay keentay inuu dhaawacmo Imaamkii Masjidka Al-Aqsa.

Rasaastii ay adeegsanayeen Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhaawacmay boqolaal qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Cikrama Sabri oo ahaa Imaamkii Masaajidka Saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay xalay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastaasi ciidamada Yuhuuda dadka Muslimiinta ah ay ku fureen.

Wasiirka Diinta Turkiga Mehmet Gormez,ayaa cambaareeyay falkan waxaana uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado, waxaa kale oo uu sidoo kale cambaareeyay falalka Yuhuuda ay kula dhaqmeyso Muslimiinta ku dukada Masaajidka Al-Aqsa.

Waddamada kale ee Islaamka wali ma jiro qof ka hadlay dilka Sheekh Cikrama oo ahaa Imaamkii Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ay Ciidamada Yuhuuda toogteen Talaadadii shalay hayeeshee xalay ku geeriyooday Isbitaalka Al Maqassid ee Bariga Quddus.