Muqdisho-RisaalaFM- Maalinkii Saddexaad xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa ka soconaya Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta Barakacayaasha ee ku nool Duleedka Muqdisho.
Tartankan ayaa waxaa iska kaashanaya Radio Risaala iyo Shirkadda Cad-ceed Group oo iibisi dharka caruurta iyo Agabyo kale, waxaana ujeedada ay tahay sidii loo dhiiragelin lahaa caruurta Barakacayaasha ee dhibaateysan.
Shirkadda Cad-ceed Garoup ayaa bixineysa Gaari raaca caruurta Barakacayaasha ay ku imaanayaan xarunta Risaala, sidoo kale shirkadda ayaa abaalmarino qaali ah gudoonsiin doonta caruurta kaalmaha hore ka gala Tar
Caruurta Barakacayaasha ah ee ka qeyb qaadanaya Tartanka ayaa waxaa lagu tartansiinayaa 5-ta Juz ee Qur’aanka Kariimka ugu hooseysa.
Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta Barakacayaasha ayaa ku dhex baxaya maalin walba Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir, kaasi oo ay baahiso Risaala.








