Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug.
Sarkaalkaan ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Bishar Mumin Faarah, kaasi oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha, waxaana xiriir uu la soo sameeyay Saraakiisha ciidamada suuragashay in la soo dhaweeyo.
Ninkaan isa soo dhiibay ayaa hadda ku sugan Xerooyinka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu wareysanaayo.
Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu watay qoriga Ak-47 , xilliga uu isa soo dhiibaayay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho.
Shabaab illaa hadda kama aysan hadlin Sarkaalkaa isku soo dhiibay dhanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Gobolka Hiiraan.
Inta badan Saraakiisha noocaan oo kale ah ee isku soo dhiibta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa ka soo carara dhibaatooyinka kala duwan ee Shabaab ay ku hayaan shacabka marka ay u dulqaadan waayaan arintaasi.


