Boqolaal dadweyne ay ayaa iskugu yimid wadooyinka Salt Lake City ee dalka Mareykanka, waxayna ka soo horjeedeen dadkaasi dhaawac ciidamada booliska u geysteen wiil 17 jir Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa dalka Mareykanka.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ka dalbanayay in la xisaabtan lagu sameeyo askariga dhaawacay wiilka Soomaaliyeed, waxaana ay ku banaanbaxeen saldhigyo iyo goobo ciidamo boolis ay joogeen.
Hayadaha xuquuqda rayidka u dooda ayaa dalbaday in baaritaan la sameeyo, lana soo bandhigaa muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka marka dhaawaca loo geysanayay wiilka Soomaaliyeed.
Booliska ayaa sheegay in Cabdi Maxamed la toogtay markii isaga iyo ruux kale ay weerareen iyaga oo ulo watta goob ciidamada ay ku sugnaayeen.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in si cadaalad ay ku jirto loo baaro dhacdada lagu dhaawacay muwaadinka Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah.
Waxaana ay u rajeeyeen qoyska Cabdi Maxamed iney heli doonaan cadaalad loona daweyn doono wiilka dhaawaca uu soo gaaray.
Golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka ayaa ugu baaqay booliska iney soo bandhigaan muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka si loo helo cadaalad iyo isla xisaabtan.
Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in dhaawaciisa uu yahay mid culus waxaana uu ku sugnaa dalka Mareykanka ilaa sanadkii 2004.









