Wasiirka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha hayada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/raxmaan Tuuryare ayaa la filayaa iney baarlamaanka hortagaan.
Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa doonaya in labada masuul ay wax ka weydiiyaan arimaha amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid su’aalo lagu weydiinayo laamaha amaanka gaar ahaan, wasiirka amniga iyo taliyaha NISA.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya lagu wargeliyay iney hor imaan doonaan taliyaha NISA iyo wasiirka amniga, waxaana la filayaa iney hortagaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey ugu yeeray labadan masuul, balse ma aysan dhicin iney hortagaan, balse maanta ayaa la filayaa iney baarlamaanka hortagaan.


