DHAGEYSO WARBIXIN:- 7 Sano ka dib Qaraxii Hotel Shaamoow iyo Sida uu Maalintaas Xaalku ahaa

Shaamoow Waxa ay ahayd maalin naxdin iyo murugo badan 3-dii Decembar sanadkii 2009 waayo waxa dhacay lama fileyn, jawiga waxa uu ahaa mid farxadeed lakiin mar qura ayuu isbadalay.

Maalinta waxa ay ahayd Maalin Khamiis ah, waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhaceysay Xaflad aan loo kala harin oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo ay ku qalin jabinayeen arday dhamaysatay Kuliyadaha caafimaadka, waxbarashada, kumbiyuutar-ka qeybihiisa kala duwan oo Mudo 6 sano ah wax ka baranaayay Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho.

Xafladda waxaa kasoo qeyb galay Xilligaasi Ardeydii Qalinjabinaysay, Waalidiintooda, Maamulka Jamaacadda, Macalimiin dhaqaatiir u badan, Wasiiro, Saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo la casuumay kuwaasi oo dhamaantooda dhoola cadeynayay farxad darteed haba ugu farxad badnaadeene ardeyda.
Furitaanka Munaasabada markii ay qudbadaha bilaabanayeen ayaa iyadoo oo uu qudbeynayo Pro.Cismaan Maxamud Dufle oo bare ka ahaa Jaamacadda Banaadir waxaa isku qarxiyay Hoteelka ruux isasoo miidaamiyay jawigana waa uu isbadalay.

Pro.Dufle waa shaqsigii isaga oo qudbad ka jeedinaya Munaasabada qalinjabinta ardeyda Jaamacadda Banaadir uu qaraxa ku dhacay.
Xaflad warkeedaba daa Dadka badankooda waxa ay noqdeen waxa dhintay iyo wax dhaawacmay intii badbaadeyna naxdin ayaa la daristay.

Weerarkaasi Hoteel Shaamoow waxaa ku dhintay dad tiradooda ay gaarayso 30 ruux in ka badan 50 kalana wey ku dhaawacmeen kuwaasi oo isugu jiray ardey, Wasiiro, Macalimiin, Waalidiin, Saxafiyiin iyo martidii kale Xaflada lagu Casuumay.

Dowladdii KMG ee Xilligaasi uu Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa kaga dhintay qaraxaasi 4 wasiir oo kala ahaa wasiirkii Waxbrashada Axmed C/llaahi Waayeel, wasiirkii Tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

3 Wariye oo lagu kala magacaabayay Max’ed Amiin Aadan Cabdulle, Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo sawir qaade u ahaa telefishinka Al-Carabiya iyo Wariye Yaasir ayaa dhintay, Saxafiyiin kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Jaamacadda Banaadir oo qasaaraha ugu badan uu gaaray ayaa tirakoob ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Maamul, Macalimiin Ardey iyo Waaldiin ay ka dhinteen 10 ruux 35 kalana ay ugu dhaawacmeen Qaraxaasi.

Qaraxii ka dhacay 3 December 2009 ka dhacay Hotel Shaamoow ee Muqdisho weli qalbiyadooda kama tirtirmin Ardayda wax ka barata Jaamacada Banaadir iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Qof waliba oo Soomaali muwaadin ah maalintaas wuu murugooday waana uu ka xumaday waxa dhacay dadka qaarkii waxa ay isha ku hayeen farxada iyo iftiinka usoo baxay dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaaso ahaa ardayda tirada badan ee qalinjibineysa kuwas oo wadanka wax yaabo badan ka caawin lahaa hadii ay noqon laheed dhanka caafimaadka sida dadka qaar ay qabeen.

Maanta oo ay Taariikhda ku began tahay 3 December 2016 Waxaa laga joogaa 7 Sano, welina dadka Soomaaliyeed qalbiyadoodana weli ma aysan ka go’in dhibaatadii dhacday sanadkaasi 2009.

WD/:- Axmed Cabdi Cali