Maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn nasiib daro ku tilmaamay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka.
Korneel Ismaaciil Maxamed kheyre oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo la halday Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan shaqo ku laheyn Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, kadib markii maanta Galmudug ay soo bandhigtay Ciidamo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Jubbaland, kuwaas oo garab siinayay Puntland.


