Beledweyne-RisaalaFM- Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa barkhadii maanta lagu weeraray saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan lagana maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 6 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Beledweyne.
War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jabuuti.



