Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay howlgalkii xalay saqdii dhexe lagu burburiyay Suuqa Xariiryaale ee magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in weerarka lagu dilay dad rayid ah, isla markaana lagu burburiyay hanti ay lahaayeen shacabka, isaga oo xusay in boqollaal qoys oo danyar ah ay habeen keliya ku waayeen ilihii noloshoodu ku tiirsanayd.
Siyaasigan ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo Alle uga baryay inuu u naxariisto, samir iyo iimaanna ka siiyo qoysaskooda. Waxa uu sidoo kale garab istaag u muujiyay ganacsatada yaryar ee hantidooda ku waayay burburinta suuqa.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u dhaliilay habka ay dowladda u maareysay howlgalka, isaga oo sheegay in awood loo adeegsaday dad rayid ah xilli saqdhexe ah ay muujinayso sida uu hadalka u dhigay, in taliska Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka tegay naxariistii iyo u-turiddii shacabka.
Ugu dambeyn, wuxuu saadaaliyay in maalmaha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay tirsan yihiin, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhowaan ka raysan doonaan waxa uu ku tilmaamay dulmiga dowladda.
Dowladda Soomaaliya weli waxaa laga sugayaa faahfaahin ku saabsan khasaaraha dhimasho.




