Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Danjire Muuse Kulaklıkaya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga istiraatiijiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, amniga, waxbarashada iyo horumarinta.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, iyagoo mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal si uu uga faa’iideysto shacabka Soomaaliya iyo Turkiga.




