Galgaduud-RisaalaFM- Iyadoo maalmihii udambeeyay deegaanka Xiimcade oo hoostaga degmada Ceelbuur ay ku dagaalamayeen Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa maanta deegaankaasi iyo kuwo la wareegay Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalka udhaxeeyay Maleeshiyo Beeleedkan ayaa soo bilowday maalinkii Sabtida aheyd, waxaana shalay deegaanka Xiimcade ku dagaalamay Beelo walaalo ah, iyadoo dagaalkaas inta uu socday ay ku dhinteen Dad gaaraya 20 Qof halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.
Ilo madax banaan ayaa ku waramaya in deegaanadaasi ay maanta gaareen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in ay dhex dhexaadin doonaan Beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya.
Shabaabka soo gaaray deegaanka Xiimcade iyo deegaanada kale ayaa waxaa la sheegay in ay ka yimaadeen Tuulo hoostagta degmada Ceelbuur oo ay maamulaan Al-shabaab.
Wariyaheena Ibraahim Xaashi Cosoble oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaan arimahaasi ka wareysanay.


