Xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada maamulka Puntland ay gaareen meel ku dhow magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dad goobjoogaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegeen in ciidamo farabadan oo ka tirsan maamulka Somaliland ay ka soo baxeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaa soo la sheegay in ay soo gaareen magaalada Laascanood , si ay iska difaacaan ciidamada Puntland oo ku soo dhawaaday magaalada Laascaanood.
Dadka kunool deegaanada gobolka Sool qaarkood ayaa ka cabsi qaba in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ku dul dagaalamaan, waxayna bilaabeen deegaanada qaar in ay ka barakacaan sida Xudun oo kale.
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay joogaan deegaanka Xudun oo ka tirsan gobolka Sool.
Dhawaan ayaa ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland dagaal khasaare geystay ku dhex maray deegaano ku yaala bari gobolka Sanaag.


