Hogaamiyaha ururka Al-qaacida Ayman Al-Dawaahiri ayaa Al-Shabaab ugu baaqay in ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda kenya.
Muuqaal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab uu kula dardaarmaayo in ay sii laba jibaaraan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Kenya.
Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Dawaahiri ayaa qiray in ay Al-Shabaab dagaal culus kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ,isagoona ammaanay weerarada iyo dagaalada ay ka geystaan Al-Shabaab dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Ayman Al-Dawaahiri ayaa sheegay in Al-Shabaab looga baahanyahay in ay difaacaan dadka kunool qaarada Afrika iyo sidoo kale dunida inteeda kale .
Al-Shabaab ayaa dagaal culus kula jira ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ,waxaana Shabaab ay weeraro joogta ah ka geystaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.



