Baroordiiq qaran oo Ciraaq ka dhaqangashay

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah kaddib markii ugu yaraan 119 qof lagu dilay qarax ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

In ka badan 150 qof oo kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo markii gaari xamuul ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meel u dhaw masjid Shiico ay leedahay oo ku yaal xaafadda Karrada.

Xilliga uu bamka qarxayay aagaasi aad ayuu mashquul u ahaa oo dadku waxa ay u dukaamaysanayeen Ramadaanka.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerrarkaasi.

Dad isku soo baxay ayaa ilaa xalay saqdii dhexe soo jeeday oo shamacyo ka shiday goobtii qaraxyadu ka dhaceen, dadkii dhintayna u ducaynayay.

Dadka qaarkood ayaa qaadayay heeso mad-habka shiicada ku salaysan oo loogu baroor diiqayay dadkii dhintay.