Galmudug oo si kulul uga hadashay maleeshiyaad dil geystay

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiista Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel)  ayaa si kulul uga hadlay dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo xalay ka dhacday Qabalaha Caleen ee Degmada Shilaabo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka oo Xafiiskiisa Wasaarada Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ka tegay dhinaca Gobolka Galgaduud ay dad Shacab ah ku xasuuqeen dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana falkaas uu yahay howlaha dib u heshiisiinta ah ee socday.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in wada-hadalladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida guul nabadeed laga gaaray balse la bilaabay in la caraqaladeeyo si dadka aysan si nabad ah u wada noolaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) waxaa uu ku baaqay in Maamulada Galmudug & dowlad degaanka inay iska kaashadaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadka dilka geystay.