DHAGEYSO: Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay inay u diyaarsan yihiin la wareegida ammaanka guud ee dalka

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan mas’uuliyada amaanka guud ee dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay la wareegi karaan amaanka guud isla markaana deegaanada dhiman ay Ciidamada xooga ka saari karaan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya ay si buuxdo ula wareegayaan amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhawaan ayEy ahayd markii Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan uu Kulamo iyo shirar uu shir gudoominaayay ugu qeyb galay dalalka Kenya iyo Uganda, kuwaasi oo intooda badan loogu hadlay Arrimaha Ciidanka Soomaaliya.