Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Galmudug.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka.
Safiirka dowladda Jabuuti ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Galmudug in uu kaalin lixaad leh ka qaadato in dalka ay ka dhacdo doorasho.




