Russia oo u yeeratay safiirkeedii dalka Mareykanka

US President Donald Trump (R) and Russia's President Vladimir Putin chat as they walk together to take part in the "family photo" during the Asia-Pacific Economic Cooperation (APEC) leaders' summit in the central Vietnamese city of Danang on November 11, 2017. World leaders and senior business figures are gathering in the Vietnamese city of Danang this week for the annual 21-member APEC summit. / AFP PHOTO / POOL / JORGE SILVA (Photo credit should read JORGE SILVA/AFP/Getty Images)

Dowladda Russia ayaa u yeeratay safiirkeedi Mareykanka Anatoly Antonov, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Russia Vladmir Puttin ku tilmaamay inuu yahay dilaa.

Sarakiisha Washington ayaa si deggan uga jawaabaya in Moscow ay si wada tashi ah ugu yeeratay safiirkeedii, waxaana xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rusia sheegtay inay raadineyso qaab lagu saxo.

“Waxaan xiiseyneynaa inaan ka hortagno inuu dhaco khalaq aan dib loo sixi karin haddii Mareykanku ogyahay halista ku gadaaman inuu xumaado xiriirka labada dhinac” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Russia.

Ku dhawaaqista Moscow ee u yeerashada safiirkooda ayaa timid wax yar kaddib markii TV-ga ABC uu soo daayay wareysi uu la yeeshay madaxweyne Biden, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Russia uu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii aanu joogin falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa xun, ayna ka mid yihiin faragalinta doorashooyiska Mareykanka.