Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Wardheer ee gobolka Dollo ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Wafdiggaan waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdiwaayeel , waxaana ay halkaasi kula kulmi doonaan wafdi ka socda dowlad degaanka.
Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug labada dhinac ayaa ka wadahadli doona Amniga iyo iskaashiga.
“Waxaan si nabad ah ku soo gaarnay annagoo wafdi Dawladda Galmudug ka socda ah caasimadda gobolka Doolo ee Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.”ayuu yiri wasiir Fiqi.
Waxaa intaas kusi daray “Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah in aan kulamo la qaadanno Hogaanka Nabadgalyada iyo wasiiro ka tirsan DDS si loo xoojiyo nabadgalyada labada maamul, iskaashiga Ganacsiga iyo dhaqaalalaha iyo horumarinta Arrimaha bulshada”




