DHAGEYSO: Howlgalo ka socda Koonfur Galbeed

Beydhabo-RisaalaFM- Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ciidamada gaarka ah ee Booliska maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanada iyo degmooyinka hoostaga gobolada Bay iyo Bakool.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in magaalada Beydhabo ay joogaan ciidamo fara badan kuwaas oo sugaya amniga magaalada.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay howlgaladii dhowaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, isagoo tilmaamay in ciidamada Koonfur Galbeed ay halkaasi ku dileen Dagaalyahano ka tirsa Shabaab.

Dhowaanahan ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan waxa ay howlgalo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.