DHAGEYSO: Jubbaland oo ka hadashay Meydadka lagu soo bandhigay Ksimaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in goor dhaweyd Magaaladaasi lagu soo bandhigay meydadka Afar ruux oo Shabaab ka tirsan.

Afarta ruux ee Shabaabka ka tirsan ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeymo xalay Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo gaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Laamaha amaanka Jubbaland Sayid Axmed Carab oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa arimahaasi ka warbixiyay.