DHAGEYSO: Madaxweynaha Turkiga oo gaaray Uganda

Uganda-RisaalaFM- Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa xalay ka degay garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Uganda, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Kampala, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay Madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Turkiga waxaa safarkiisa ku wehliyay Marwadiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo dalka Turkiga ka socotay.

Booqashada uu ku tagay Magaalada Kampala ee dalka Uganda, Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa waxa ay qaadan doontaa Labo cisho, iyadoo halkaasi uu ka sii tagi doono.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Erdogan uu la kulmo Madaxda dalka Uganda, gaar ahaan Madaxweyne Museveni oo ay ka wada hadlaan arimaha labada dal.

Arimaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadli doonaan labada masuul ayaa ah arimaha ganacsiga iyo sare u qaadista xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Turkiga ayaa labada cisha uu joogo dalkaasi Uganda, kadib wuxuu u sii gudbi doonaa dalka Kenya.