Jabuuti-RisaalaFM- Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika Taliye cusub u soo magacaabay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka jooga Soomaaliya.
Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna sida ay Wakaaladu sheegtay la wareegi doonaa hogaanka 22 kun Ciidan kala duwan ee howlgalka AMISOM Soomaaliya ka jooga kana kala socoda dhowr dal oo ka tirsan Midowga Afrika.
Xilkan Taliyenimada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur ayaa waxaa horey u hayay General Kenyaati laga soo bilaabo dhamaadkii Bishii Dicember 2015-kii.
Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya General Cusmaan Nuur Subagle ayaa sanadihii 2012-2013-kii Taliye ugu noqday howgalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.