Dowladda oo weerar ku dishay Maxamed Dulyadeyn

Buula-Gaduud-RisaalaFM- Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa lagu dilay howlgal milatari oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, sida ay maanta sheegeen saraakiil iyo dadka deegaanka.

Ciidamada Mareykanka ay tababareen ee Soomaalida ee lagu magacaabo Danab ayaa dilay Maxamed Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaana Dulyadeyn, kaasi oo madax ka ahaa Amniyaadka Al-Shabaab.

Dulyadeyn ayaa lagu waramay in lagu dilay tuulad Buula-Gaduud. Waxaa sidoo kale lala dilay laba sarkaal oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah iyo rasaas culus xalay saqdii dhexe laga maqlay Buulo-Gaduud, ayna aroortii hore arkeen ciidamada Soomaalida oo qaadaya meydad.

Sarkala sare oo Soomaali ah, oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in diyaraadaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay gantaallo ku dhufteen baabuur uu saarnaa Dulyadeyn.

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin warka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya kaas oo ah in ay dileen Madixii Amniyaadka Al-shabaab Maxamed Maxamuud oo la yaqiinay Dulyadeyn.