Tiradii ugu badneyd oo maanta Covid 19 ugu geeriyootay Muqdisho

49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka.

2 qof ayaa ka bogsootay sidda ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Tiradda guud ee dadka uu ku dhacay Cudurka ayaa gaartay 286.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.