Shirkadda Ilays oo ka howlgeli jirtay Magalada Burco ee Soomaaliland ayaa Maanta markii ugu horeysay Qalab ay leedahay kasoo dejisay Dekadda Weyn ee Magalada Muqdisho.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo malmahaan ku mashquulsanaa Badeecadaha dalka gudihiisa iyo kuwa Badda la isku marsiiyo ayaa Maanta kormeeray Agab ay Shirkadda Ileys kasoo dejisay Dekadda Muqdisho.
Warshada Ileys oo sameysa Saabuunta ayaa Xarunteedu tahay Magalada Burco,waxaana ay tahay markii ugu horeysay oo shirkadaas ay Qalabkeeda uu kasoo dego dekadda weyn ee Magalada Muqdisho,waxaana agabkeeda ay kasoo rartay dekadda Magalada Berbera.
Soomaaliland oo aaminsan in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaanan wax Ganacdsi ah la wadaagin Soomaaliya,waxaana inta badan la xiraa dadka kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ee yimaada Muqdisho markii ay halkaasi dib ugu laabtaan.




