Dabkaan oo sida la sheegay ka dhashay koronto ayaa ka kacay Guri ku yaalla Waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir,kaas oo geystay khasaaro hantiyadeed.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dabka uu baabi’iyay Guriga uu ka kacay oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baar Ayaan iyo Isgoyska Hotelka Towfiiq ee Gobolkan Banaadir.
Mas’uuliyiin uu horkacayay Guddoomiye ku xigeenka amniga & Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid Cabdi fitaax Axmed ayaa gaaray goobta uu dabka kacay,iyaga oo kaalin ka qaatay deminta dabkaas.
Mid ka mid ah Gawaarida dab demiska ayaa halkaasi la geeyay,iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la demiyo,isaga oo aan geysan khasaaro nafeed.
Saddexdii bilood ee ugu dambeysay ayaa Muqdisho iyo gobolada qaar waxaa goobo Ganacsi oo ku yaalla ka kacay dab geystay khasaaro hantiyadeed,hayeeshee aan la ogeyn waxyaabaha isku-soo beegay.




