Nin hubeysan oo Muqdisho ku dilay wiil ay walaalo ahaayeen

Muqdisho-RisaalaFM– Wararka aan ka heleyno Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay dil loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan ayaa nin hubeysan wuxuu u geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ay qaraabo dhaw ahaayeen, sida ay dadka degaanka inoo sheegeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen dilkan inuu ka dambeeyay kadib markii marxuumka la dilay iyo ninka dilka geystay ay ku murmeen maandooriye ay isticmaalayeen, wuxuuna ku dhuftay Lix xabadood.

Hay’adaha ammaanka oo ku baxay falkan ayaa gacanta ku dhigay gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay ee baxsaday, sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay qalab lagu diyaarinayay maandooriyaha.

Ciidamada ammaanka ayaa wada hawlgal lagu raadinayo ninka dilka geystay, si sharciga loo horgeeyo.

Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.