DHAGEYSO: Culimadda oo ka hadashay Dayax Madoobaadkii xalay

Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka hadashay Dayax Madoobaadkii xalay inta badan dunidda lagu Arkay, kasoo oo socday Muddo dhan  hal saac iyo 43 daqiiqo.

Qaaraddaha iyo Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika iyo Australia iyo goobo kale oo caalamka ka tirsan.

Soomaaliya Meelo badan oo ka mid ah ayaa xalay laga Arkay dayax Madoobaadka, waxaana ay dadka Soomaaliyeed oo Muslimiin ah ay bilaabeen in ay Saaladda Tukaddaan oo ay Masaajidka galaan.

Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa Risaala u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay badiyaan Cibaadada Xilliyadda ay dhacdo dhacdadaan oo kale.