Dhoobley-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, qarax Miino ayaa waxaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan qeybta Kenya.
Baabuurkan Millitari ayaa waxaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca dalka Kenya, waxaana uu ku sii jeeday dhinaca degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegeen Gaarigan inuu ka mid ahaa kolonyo ku jirtay Roondo, kuwaasi oo maalmahan dambe waday howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.
Warar soo baxaya oo laga helay ilo dhinaca Militariga ayaa waxa ay sheegayaan gaariga qaraxa lala eegtay in gabi ahaantiisa uu burburay, kadib markii ay haleeshay Miinada dhulka lagu aasay.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxan, oo soo gaaray Ciidanka Kenya ee saarnaa gaariga, waxaana la geeyay saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay inoo sheegeen weerarkan in ay ka dambeeyaan rag ka tirsan ururka Al-shabaab, balse ay ku baxeen Ciidamo oo ay tilmaameen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan.




