Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada.

Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.