Xildhibaan Cabiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga musharixiinta ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay soo gaareysay digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in weerarkii maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde aysan Al-Shabaab xoog kusoo gelin ayna cadahay in lala shaqeeyey.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas.
Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.
Dalku wuxuu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, welina hay’adihii amnigana waxay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah.
Intaan ka badan RW Rooble indhaha kama laaban kartid masuuliyadda kaa saaraan dalka, gaar ahaan amniga iyo hawlaha xil wereejinta xilliga kala guurka ah.
Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.




