Maamulka Gobolka Jubada hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa amar dul dhigay hay’adaha aan dowliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee mashaariicda ka fuliya deegaanada Gobolka Jubada hoose.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabirashiid Cabdullaahi Gooni ayaa lagu amray hay’adaha aan dowliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay inay maamulka la soo wadaagaan mashaariicda ay rabaan inay fuliyaan.
Sidoo kale Maamulka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ujeedka Amarkaan uu yahay sidii loo yareyn lahaa musuq maasuqa kooxeysiga ah si hufana loo gaarsiiyo meelaha ay baahiyaha kajiraan.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabirashiid Cabdullaahi Gooni.



