Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo hakiyay guddiga xulista Ergada laba Kursi

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta oo Talaado ah hakiyay Guddiga Xulista Ergada ee la diiwaangeliyay si looga jawaaabo Cabashadii ka timid.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay kadib cabasho ka timid odayaasha dhaqanka iyo Musharixiinta kuraasta HOP#010 & HOP#066 loo hakiyay, isla markaana Murashixiinta kuraasta Kor ku xusan iyo Ummadda Soomaaliyeed la wadaagi doonaan Magacyada Guddiga Xulista Ergada Rasmiga ah marka la xaliyo cabashadaas.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shalay shaaciyay magacyada odoyaasha dhaqanka iyo Ururada bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada, balse Ciidamo & maleeshiyaad ku heyb ah Xildhibaanka ku fadhiya Kursiga Hop#010 ay xalay hubkooda la soo baxeen, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan in shaqsi loo xiro kursigaas.

Labada Kursi ee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay hakiyeen Guddiga Xulista Ergadooda oo ay horay u shaaciyeen ayaa waaa ku kala fadhiya Hop#010 Cabdisiaaq Maxamed (Jindi) & Hop#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Maxamed Waasuge.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada beledweyne laga dareemayay khilaaf la xiriira kuraasta qaar ee taalla Magalada Beledweyne, waxaana khilaafka ugu wyen uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen & kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

WAA MAGACYADA ODAYAASHA DHAQANKA EE HORAY LOO SOO BANDHIGAY