Guddiga xalinta khilaafka doorashada oo Fasaxay kursiga Hop 045

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee 2020/2022 ayaa  Go’aan ka gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2022 dacwada Kursiga sumadiisa tahay HOP#045.

Guddiga ayaa fasaxay kursiga hop 045 islamarkaana waxa ay caddeeyeen in si sax ah loo maray doorashadiisa.