Xeerilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka codsaday Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan baaritaanada Shaqsiyaadka lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhuufinta dhuxusha iyo xaalufinta degaanka.
Waxaa uu sheegay in Xaalufinta deegaanka iyo dhoofinta dhuxushu in tahay musiibo qaran oo halis ku ah badqabka deegaanka iyo duunyada dalkeenna.
“Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxa uu gacanta ku hayaa baaritaanno loogu raad joogo ganacsiyo ku leg leh xaalufinta deegaanka, dhoofinta dhuxusha iyo daabulka iyo ka ganacsiga dadka” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska xeerilaaliyaha Qaranka.
Waxaa uu intaasi kusii daray”Dhammaan laamaha baatista Booliiska iyo XXI Guud ee Qaranka iyo hay’ahada dalka ee doorka ku leh ayaa qayb ka ah baaritaannada dembiyadaan ka dhanka ah dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed”
Dadaalladaan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin lagu sugaayo badqabka shacabka iyo bay’adda lagulana dagaalamaayo dembiyada noocyadooda kala duwan.
Waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’ahada baarista dalka si looga hortago dembiyada liddiga ku ah jiritaan keenna.



