Waqtiga La Dhageysanayo Racfaankii Ay Man City Ka Qaadatay Xayiradii Laga Saaray Champions League Oo La Shaaciyay

Racfaankii ay Manchester City ka qaadatay ganaaxii laga saaray Champions League muddo labo sannadood ah ayaa waxaa dhageysan doonta maxkamada sarre ee Isbooriga CAS inta u dhaxeysa 8da ilaa 10ka bisha Juun.

City ayaa laga mamnuucay inay ka qeyb qaadato Champions League muddo labo xilli ciyaareed ah halka sidoo kale lagu ganaaxay lacag gaareysa 24.9 milyan ginni ka dib markii ay xadgudbeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.

Waxaa danbiyo badan ku heshay hay’ada koontaroosha dhaqaalaha kooxaha Yurub ee CFCB.

Warbixin ay soo saartay UEFA aya lagu yiri: “City waxay ka been sheegeen lacagta ka soo gashay shirkadaha xayaysiinta iyo weliba xogtii dhaqaale ee ay u gudbiyeen UEFA intii u dhaxeysay 2012 iyo 2016.”

Kooxda waxaa sidoo kale lagu helay danbi ah inay ku guuldareysatay inay la shaqeyso baaritaankii ay wadeen hay’ada CFCB, waxaana laga mamnuucay tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda ee 2020-21 iyo 2021/22.

Kooxda ayaa durbadiiba cadeysan inay ku qanacsaneyn ganaaxa ay kala kulantay UEFA iyagoo sheegay inay niyadjab ku aheyd inay maqlaan go’aankaas, waxayna ka qaateen racfaan.