Wasaaradda Cadaaladda oo cambaareysay fal dambiyeedka kufsiga ee ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Cadaaladda dalka ayaa si kulul u cambaareysay fal dambiyeedka kufsiga oo dhawaanahaan ku soo badanayay qeybo ka mid ah dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo lagu helo iney ku kacday fal kufsi ah lala tiigsan doono ciqaab adag oo waafaqsan shareecada Islaamka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday Xeerilaalinta dalka in tilaabo waafaqsan Sharciga laga qaado Shaqsiyaadka ku kaca falalka ka baxsan Sharciga oo kufsigu uu ka mid yahay.