Majalada caanka ah ee Aftonbladet ayaa aaminsan in ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic loo magacaabi doono Caawiyaha Jose Mourinho marka si rasmiya loogu dhawaaqo inuu yahay macalinka Manchester United.
Macalinkaan Portuguese ayaa noqon doona bedelka Louis van Gaal, waxaana horyaala shaqo adag oo looga baahan yahay inuu kooxda ku hogaamiyo koobab waa weyn sida Ferguson oo ahaa tababarihii guusha ee United.
Zlatan Ibrahimovic waxaa ka dhamaaday heshiiska uu kula jiray PSG, waxaana ka rumeysan yahay inuu hada raadinaayo koox kale oo xirfadiisa uu gaba gabeeyo kooxo sida weyn loola xiriirinaayo waxaa ka mid ah Manchester United.


