Daawo: Madaxweynaha Jubbaland oo ciidamo cusub tababar usoo xiray

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxaa uu tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada Boliiska Jubbaland.

Ciidamadan oo mudo lix bilood ah uu tababar uga socday Dugsiga tababarka ciidamada Boliiska ee duleedka magaalada kismaayo ayaa si rasmi ah Madaxweynahu maanta tababarkoodi ugu xiray waxaana ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee ciidamada Boliiska.

Munaasabadan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Boliska Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socotay ciidamada Boliiska AMISOM iyo UN-ka

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in Boliisku ay saldhig u yihiin xiriirka bulshada iyo dowladda isagoo ku amaanay sida ay u qaateen casharadii iyo duruustii askarinimo mudada ay halkan ku xaraysnaayeen.

1-3-85-2-4-