Ugu yaraan 17 gabdhood oo ciyaal iskuul ah ayaa ku dhintay dab ka kacay halkii ay seexanayeen ee waqooyiga Thailand.
Dabka ayaa kacay fiidnimadii Axadd, xilli gabdhaha badidood, oo da’doodu u dhaxaysay 5-13 ay jiifeen sida uu Boolisku sheegay.
Sarkaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in goobta la seexdo ay ku sugnaayeen 38 arday.
Laba gabdhood ayaa la la’ yahay, halka shanna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo labo ka mid ah uu dhaawacoodu aad u liito.
Ku xigeenka Barasaabka Chiang Rai, Arkom Sukapan ayaa sheegay in ardayda qaarkood ay weli soo jeedeen oo ay u suurto gashay in ay baxsadaan.
Wargeyska The Nation ayaa sheegay in meydadka loo qaaday isbitaal si loo aqoonsado, ayadoo baadigoobka labada gabdhoodna uu weli socdo


