Zidane Oo Hoos U Dhigay Wararka Sheegaya In James Rodriguez Uu Ka Tagayo Real Madrid

Hogaamiyaha kooxda Real Madrid Zidane ayaa ka hadlay mustaqbalka ciyaaryahanka lagu xamanayo inuu isaga dhaqaajindoono garoonka Bernabue laba sano kadib kadib markii la sheegay in James uu boos joogta ah ka waayey kooxda Madrid.

Kooxo badan oo ay kamid tahay Manchester United ,xitaa Chelsea ayaa lala xiriirinayey xidigaan kaasi oo ay aad u doonayaan xiisihiisa, waxaase warkaasi beeniyey Macalin Zidane oo sheegay in xidigaan uu joogidoono kooxda Madrid.

Maadaama ay maqnaanyeen xidigo badan ee uu hogaaminayo Cristiano Ronaldo , James ayaa nasiib u yeeshay inuu kusoo bilowdo kulankii xaley ee horyaalka wadanka Spain ee La Liga kaasi oo kooxdiisa ku badisay 3-0.

”Waa uu wanaagsanyaha hada isaga, waxaana uu dareemayaa farxad, waa uu shaqeeyey waxaana uu naga caawiyey seddex dhibcood, ” Zidane ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

Sidoo kale Zidane ayaa ka hadlay awooda Bale ee kulanka iyo sida uu kooxda u saaciday maadaama ninka reer Wales uu dhaliyey laba gool.

”Waan ku faraxsanahay , maxaa yeelay waxaa uu wali dareemayaa awoodiisa, inkastoo ay jiraan xoogaa daal dhankiisa ah.

”Waa ay u fududeeyd sida uu u dhaliyey goolkii dhaqsiyaha badnaa.