DHAGEYSO: Faah faahin Dagaal ka dhacay Gobolka Baay

Baay-RisaalaFM- Wararaka inaga soo gaaraya duleedka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal culus saakay halkaasi uu ku dhexmaray ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo Dagaalyahano katirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Koonfur Galbeed ay halkaasi ka wadeen Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidaasina ay dagaal kala kulmeen Dagaalyanahada Shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Dagaalka uu ahaa mid saacado badan qaatay sidoo kalena khasaare lagu gaarsiiyay Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay kulan shalay ay isugu yimaadeen Madaxda Koonfur Galbeed lagu go’aamiyay qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Shabaab si loo baneeyo deeganada ay go’doomiyeen Shabaab.

Al-shabaab ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed sidoo kalena Go’doon ku haya wadooyinka qaar, waxaana Koonfur Galbeed ay sheegtay in Go’doonka ay ka qaadi doonto wadooyinkaas si shacabka halkaasi ku nool loo gaarsiiyo gar gaar.