Xuutiyiinta Yemen , ayaa saakay ku weerarray Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato gantaal ballistic ah , iyadoo si cad uu ugu guul-darreystay nidaamka difaaca hawada Israa’iil inay ka hortagaan gantaalkan, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.
Israa’iil waxay sheegtay weerarkan inay ka dhalatay dhaawaca 9 qof , balse ma jiro ilo madax bannaan oo ka hadlay khasaaraha weerarkan, xilli la sheegay inuu waqtigan shirar u socdo saraakiisha sare ee difaaca Israa’iil, iyagoo baaraya sida ay ugu suuragashay gantaalkan inay qaban waayeen nidaamyada difaaca oo aan xataa wax digniin ah ka bixin.
Weerarkan ayaa u muuqda in looga danleeyahay in Israa’iil looga digo ballaarinta dagaalka, xilli ay Israa’iil iskudayayso inay duulaan ku qaado Lubnaan. Sidoo kale , wuxuu ka tilmaam kacaya sida ay Xuutiyiinta u awoodaan inay weerarro weyn ka geystaan gudaha Israa’iil. Hadda , gantaalka ay soo rideen Xuutiyiinta waxay ku qaadatay inuu bartilmaameedkiisa ku gaaro muddo 15 daqiiqo ah, isagoo mataafo 2,000 km waqtigaa ku socday.



