Aadan Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada ka soo jeeda KGS.

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal iyo siyaasiyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga, horumarinta iyo xoojinta dowladnimada.

Mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa horumarka, amniga, xasilloonida iyo danta guud ee shacabka Koonfur Galbeed, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duubnida mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta iyo dowladnimada Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in mudnaanta la siinayo nabadda, amniga iyo adeegyada bulshada, xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.